Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Ha Maareeyo Musiibada Laascanood Inteysan Fogaan.

Reading Time: 2 minutes

Waa wax aad looga gubto marka ay dhacdo xabbad laga baaqsan karay uuna wiilal ama gabdho Somaliyeed ku dhintaan, waana taladaxumada dadka aynu ka dhiganno hogaamiyaasha. Isma weydiinno maxaynu ka rabnaa hogaamiyaha ee waxaan is weydiinnaa aniga ma I xigaa ama ma yahay mid macaan yar ii shubayaa maalmo tirsan.

Hogaamiyaha Maamulka Somaliland MW Muuse Biixi Cabdi waxaa uu u muuqdaa qof uu damiirku ka guuray oo aan damqasho u lahayn dadka ku nool Laascanood, waxaana la hubaa inuusan kala jecleyn kuwa madaxtooyadiisa hareeraha ka deggan xataa haddii ay gubanayaan mar haddii uu madaxtooyadiisa u shaqo tagayo marka uu waagu baryo, waana caado kalitalisnimo.

Somalida horay ayey xabado ugu dhammaatay mana la awoodo inay dadkale naga dhintaan haddaan lagu khasbaneyn sida dagaalka shabaab ee Koofurta ka socda. Warar aan la xaqiijin ayaa shegaaya bil gudaheed  Laascanood lagu dilay 129 waana arrin naxdin leh haddii uu warkaan run yahay.

MW Muuse Biixi ha qaato saaran hana fahmo inay tani noqon karto bar bilow ku baahda dhamaan Somaliland oo keenta in beel waliba ay tiraahdo waanu tashaneynaa oo ay hubkooda la soo baxaan waayo ma rabno inay nagu dhacdo tan ku dhacday reer Laascaanood.

Muuse dowladiisa waxaa uu amar ku bixisey in Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool inay hakiyaan adeega telefoonada iyo Internet-ka, taas oo ah yaan dunida loo soo gudbin dilalka halkaa ka dhacaya.

Nin weyn wadkiis waa yaqaannaa waxaa odayga laga rabaa inuu dhex tago Laascanood oo nabad ka keeno cabashada reer Laascanoodna uu soo afjaro inta aysan fogaan oo aysan meelo kale ku baahin.

Waxaa mahad iyo ammaan mudan dowladda Federaalka oo iyada  soo jeedisay in wax waliba wahadal iyo is faham lagu dhameeyo. Waa dhab mar waliba tabsaho waa jireysaa mana fududa in maamul la hogaamiyo haddaan cadaalad, garowshiiyo iyo odeynimo loo kaashan oo aan laga fogeyn go’aamada xaldoonka caadifad qabiil, mid shakhsiyadeed iyo damac sadbursi.

Reer Laascanood wax bey tabanayaan waana mudan yihiin in la dhageysto oo lagala garrabo, laakiin xoog, xasuuq iyo xabbad waxba loogama gaarayo. Muuse Biixi ha maareeyo inta aysan Fogaan mushkiladdaan oo aysan ku baahin degmooyinka kale.