Hogaamiyaha Isku Kalsoon waa kan la Tashada Hawl wadeennaga uu hogaamiyo.

Reading Time: 2 minutes

MW  Xasan Sheekh waxaa caado u ah inuu mar waliba la tashado madaxda kale ee hawlaha dalka la hogaamisa isagoon u eegin darajo, da’, dhedig iyo laba middii ay yihiin. Intii uusan dalka ka tagin ee uu aaadin safarka uu hadda ku maqan yahay waxaa uu kulan la qatay madaxda Dowlad Goboleedyada oo uu ka warsiiyey wixii ka soo baxay safarradii uu dalka dibaddiisa ku tagay, wuxuuna ka talageliyey kuwa uu hadda ku maqan yahay qaabka loo wajahayo.

Hoggaaminta la-tashigu waxy keentaa in dadka muhiimka ah la weydiiyo fikradahooda iyo in la siiyo wakhti ay ku xalliyaan dhibaatada oo  kuna xalliyaan waxa ay u arkaan in uu yahay xalka ugu fiican. Taasina waxay abuurtaa in la helo gool la isku raacsan yahay oo ah in guusha lawada doono, lana wada ilaashado.

Sawirkan waxaa ka muuqda MW Xasan sheekh oo la tashanaya wasiiradiisa, waayo halka hogaamiyaha kali taliyaha uu go’aankiisa iska qaadan lahaa laguna khasabanaan lahaa in la wada raaco xataa hadduu khaldan yahay . Laakiin hogaamiyaha wanaagsan waa kan mar waliba la tashadaa dadkiisa, gaar ahaan kuwa markaas hawsha taagan la wajahaya.

Mudane Abshir Huruuse, wasiirka Arrimada dibadda ee Somaliya iyo Marwo Khadija Al-Makhzuumi oo ah wasiirka Isbadalka Cimilada iyo Degaanka ayaa sawirkan ka muuqda iyagoo talo siinaya MW Xasan Sheekh oo Fadhiya shir ka mid kuwa ka socda xaruunta Qaramada midoobay ee New York.

Hogaamiye waa kan fikrad ka haysta waxa uu rabo inuu fuliyo yaqaannana cidda uu kala tashanayo iyo talada uu u baahan yahay, taas oo ah mid si wada jir ah ay u difaacayaan waxa ka soo baxa marka talo wadajir ah lagu qaato, waana halka ay Somaliya ka luntay oo kaligii saxaneyaal badan ayaa soo maray. 

Maanta waxaad arkeysaa aqoonyahan ama siyaasi ku soo galay siyaasadda baawsi inuu ku leeyahay waxaa loo bahan yahay dalka in gacan adag lagu qabto oo madaxdweyney Xasan Sheekh ku dhaliilaya wada tashiyada uu la galo hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaliya. Waxaa loo baahan yahay dal la wada leeyahay lawada difaacanayo oo lawada dareemayo MW Xasan sheekh taas ayaa looga bartay waana ku taagan yahay hal ku dheggiisii ahaa “Somali Heshiis ah dunida heshiis la ah”