Hirshabelle oo ka gaabsatay ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran

Reading Time: < 1 minute

Sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay  Dowlad Goboleedka Hirshabelle   Dowlad Goboleedkaas ayaan qeyb ka ahayn, kana ahaan doonin shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu dhawaan ku casuumay Ra’iisul Wasaare Roble madaxda dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka.

Mowqifka ay qaadanay Hirshabelle ee  deg degta ah ayaa ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle iyada oo ay socoto qaban qaabada shirka wadatashiga. Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in wixii ka soo baxa shirka Madasha Qaran aysan qeyseyn maamulka Hirshabelle uuna dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka maqan  dalka isagoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!