Hirshabeelle oo ka hortimid go’aanka Golaha Wasiirada, sheegtayna in ciidanka la soo kordhin doono

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-gobaleedka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka jawaabayay amarkii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee ahaa in ciidamada la geeyay Beledwayne la soo celiyo ayaa sheegay in maamulka ay baahan yihiin Ciidamo dheeraad ah.

“Ciidamada keenidooda waxaa codsaday Madaxweynaha Hirshabeelle, annigana waan la oggaa, waxaan leenahay dowladda naguma filee noo soo badiya” ayuu yiri Yuusuf Daba-geed.

Yusuf Dabageed ayaa ku digtay Rooble iyo golahiisa wasiirada isaga oo ku sheegay in ay yihiin koox  ka amar qaata cadowga reer Hiiraan, waxa uuna sheegay in Gole Wasiir ayan ka talin Baladweyne ama Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ciidamadan ka caawinayaan sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Beledwayne inta ay Doorashada socoto, iyo isku furista magaalooyinka Gobolka Hiiraan.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaana ku soo aadaya xilli Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay maalintii khamiista ay amreen in ciidamada la geeyay Beledwayne si deg deg ah loo soo celiyo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Beledwayne ka taagnaa xiisad ka dhalatay safar la sheegay in uu magaaladaasi ku tagi lahaa Madaxweynaha Hirshabeelle, kaasi oo ay si adag uga hor-yimaadeen dadka shacabka ee deggan Gobolka Hiiraan.