Hir-Shabeelle oo maanta diiwaangelinaya musharixiinta u tartameysa HOP#024, HOP#106 & HOP#140

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa maanta diiwaangelinaya Musharixiinta u tartameysa kuraasta kala ah HOP#024, HOP#106 & HOP#140 oo Magaalada Jowhar lagu dooranayo 9ka April 2022.

SEIT Hir-Shabeelle ayaa sidoo kale maanta xareynaya Ergada Dooraneysa saddexda Kursi ee uu shaaciyay Guddigaan, waxaa waqti kooban la tusinayaa sida uu Ergayga u dooran karo qofka uu ugu codeynayo in uu ku metalo Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Jowhar waxaa ku sugan musharixiin u tagtay in ay ku tartamaan HOP#024, HOP#106 & HOP#140 maadaama SEIT Hir-Shabeelle uu ku dhawaaqay waqtiga ay dhaceyso Doorashada, Araaji qabashada, Diiwaangelinta.

HOP#024: Cabdulqaadir Carabow Ibraahim ayaa ku fadhiya kursigaan Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, markale ayuu u xusul-duubayaa in uu ku guuleysto.

HOP#106: Mina Xasan Maxamed ayaa beesheeda ku metashay Baarlamaanka 10aad ee Dowladda Federaalka.

HOP#140: Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa xubin katirsan Baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya ku ahaa kursigaan oo Dad badan isusoo taageen.

Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Jubbaland waxaa ku dhiman kuraas kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS, SEIT Hir-Shabeelle ayaa sheegay in kuraastaan ku harsan Dowlad-Goboleedkaas halka 16ka kursi ee Gedo taalla oo ilaa hadda aanay jirin xal ama go’aan laga gaaray ay harsan yihiin.