Hilib la,aan ka jirta Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo saamayn arintaa ka dhalatay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta Suuqyada Magaalada Muqdisho gebi ahaanba aanan lagu iibinaynin Hilibka Geele waxaana samaynta Hilib la,aanta Suuqyada Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Arintaa ayaa sabatay khilaaf soo kala dhex galay kawaanlayda Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibisa Hilibka Geele iyo Dalaalayda oo kordhiyay lacagta Dalaalka Geela waxaa sidoo kale cabasho laga muujinayaa Canshuurta Hilblayda laga qaado waxa ayna sheegeen in aysan iskeenaynin arintaa.

qaar kamid ah Dadka Hilibka ka Ganacsada oo lahadlay Warbaahinta Wararka ee Muqdisho Online ayaa waxa ay sheegeen inxaalku uu sidaan sii ahaan doono hadii aanan wax laga befdelin arinta hada taagan.

Hilib la,aanta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah goobaha sida weyn maqnaashishiisa looga dareemayo Maqaayadaha waaweyn ee laga cunteeyo oo ku yaala Muqdisho kuwaa oo inta badan ganacsigoodu uu ku tirsanaa ka gancsiga Hilibka Geela.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!