Gaari weerarka lagu qaaday ayaa ay la socdeen dad shacab ah oo ahaa kuwo reer Guuraa ah, isla markaana waxaa wadada u galay kooxo hubeysan oo rasaas xoogan ku furay Gaariga ay saarnaayeen dadkaasi.
Dadkan la laayay ayaa isugu jiray Haweeyn iyo Caruur yar yar,isla markaana waxaa ay u socdeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ka Da’een Roobab ,waxaana ay ahaayeen dad reer Guuraa ah. Sida loo xaqiijiyay MOL weerarkaan ay salka ku hayo arrimo la xiriira aano Qabiil