Hiil Walaal Hadduu Cadow yahay Ma Itoobiya iyo Erateriyaa Gacal ah? Ayaandarro Weyn.!!

Reading Time: 2 minutes

Waxay dadka Somaliyeed aad uga xumaadeen ijaafadii loo geystay walaalaheen reer Jibuuti, waxayna diyaar u yihiin inay ka xaal mariyaan gefka daneysan ee Dubbe oo aan damiir lahayn. Ujeedada waa in la kala fogeeyo Jubuuti iyo Somaliya iyadoo horay u ogeyn in walaaheen oo dhul iyo dhallinyaro Somaliyeed laga haysto inuu MW Farmajo oo lax dhunkani abaar moog ah ayaa waxaa uu tagay dalka Erateriya una saxeexay in laga qaado cunaqabateynta  taas oo ahayd gef weyn oo xanuun badan iyadoo dhul naga haysata wiilalna nooga maqan yihiin.

Waxaa mudan in dadka Somaliyeed ay cadowgooda ka bartaan walaalahood oo aysan naga dhigin dad xun oo abaal laawayaal ah madaxda aan ku sirannay oo aan moodnay inay fahmi karaan kursiga iyo awoodda ay nagu horboodayaan halka ay ka soo bilaabatay- CARTA.

Walaalaha Jibuuti oo intaan ka dhaqaale yar nama oran na dhaafa ee waxay yiraahdeen “ Walaalayaal Gacal isma ciriiriyo ee kaalaya halkaan ku shira oo nala cuna waxa yare e aan haysanno” Laakiin marka ay na hogaamiyeen koox aan taariikhda wax ka aqoon oo aan akhriyin dhigaalka lagu keydiyo dhacdooyinkii laga soo gubay waxay u dhaqmaan sida kuwa hadda horseedka noo ah ee Farmajo, Fahad iyo Yatakabaruu oo Dubbe gadaal looga daboolay.

Walaalaha jibuuti markii ay Carta naga soo amababixiyeen oo ay na soo direen annagoo ah dowlad ah, intaas noogama harin ee mar waliba waxay taagnaayeen kadinka oo ay nala toostoosinayeen si ay noo xusuusiyaan wixii aan illownnay ee hogaan dowlanimo ah.

Markii ay u muuqatay mar kale inay dheellineyso waxay na geeyeen gurigeenna labaad oo ah Jibuuti kuna soo dhiseen dowladdii dalka ka saartay KMG ee uu hogaaminayey MW Shariif Sh Axmed, taas oo dhashay dowladdii ka dambeysay ee dalka la soo sintay waddamada caalamka, kadib markii ay furtay ilaa 40 safaaradood oo maanta waxa ka shaqeeya ay yar yihiin, gudahana Shabaab ka xoreysay ilaa soddomeeyo goobood oo ay ku jiraan magaalooyinka Kismayo iyo Baydhabo oo ay hadda ku sahqeeyaan maamul goboleedyada Jubaland iyo K/Galbeed.

Walaalaha JIbuuti intaas kuma harine waxay horseed ka noqdeen AMISOM oo waxay noo soo direen wiilsheenna HIIL WALAAL oo ay dad badan oo Somaliyeed ay dhiigooda ku seexdaan, halka annaga madaxdeenna ay wiilsheenna dhiigooda Itoobiya ka iibsatay, kuwa reer Jibuuti ah oo ay Erateriya naga haysatana ugu deeqday Afawerki oo ah Macalinka MW Farmajo ee uu isleeyahay ka baro sida loo noqdo kalitaliye muddo dheer dalkaan sii xukuma.

Dadka Somaliyeed waa sabar badan yihiin waana kaadsiiyo badan yihiin, laakiin marka ay soo gaarto xaaladda meel adag waa dad go’aan qaadan kara, waxayna hadda joogaan xelligii ay go’aan adag qaadan lahaayeen oo dalka badbaadsan lahaayeen Farmajo iyo Fahad.