Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miinooyinka ee loo soo gaabiyo Mine Action (UNMAS) ayaa warbixin ka soo saartay weerarkii hoobiyeyaashii lagu qaaday Xarunta UNSOM ee Xalane 1-dii bishan January 2019.
Warbixinta Mine Action ayaa lagu soo bandhigay todobo goobood oo ay ku dhaceen illaa sideed madaafiicda hoobiyeyaasha ahaa, kuwaasoo ahaa qoriga hoobiyaha ee 81mm, waxaa kaloo la soo bandhigay macluumaadka saalbooyinka ama rasaasta loo adeegsaday.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in hoobiyeyaasha lagu soo tuuray Xerada Xalane uu yahay kii lagu soo weeraray 1 July 2018.
Hase ahaatee waxaa la sheegay in weerarkan 1-da January uu ahaa mid ka duwan kuwaas, maadaama madaafiicda ay ku soo dhaceen sida xafiiska CPO iyo UNMAS, waxaa la sheegay in madaafiicdaas lagu tuhmayo Al-Shabaab oo aanay jirin koox kale oo lagu tuhmayo, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay 15-daqiiqo kaddib weerarkaas.
Goobta laga soo riday madaafiicda ayaa ahaa meel waqooyi galbeed ka xigta Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ku dhow degmada Kaxda.
Weerarkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ee xarunta UN-ka ee Muqdisho lagu qaado, waxaana ku dhaawacmay illaa labo shaqaale iyo qandaraas qaate.