Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, ayaa mar kale maalmo ka hor lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Shaafi Raabi Kaahin, ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Turkiga, islamarkaana markii uu soo dagay, laga qaaday baasaboorkii uu watay, kadibna la fariisiyay meel ka mid ah Garoonka.
Sida ay xogta ku heshay Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa watay Baasaboorka Diplomasiga ee looga talagalay in la siiyo dadka Diplomatic ah ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu Agaasime u yahay Maxamed Aadan Koofi ayaa si sharci darro ah ku siisay ganacsidahaan Baasaboorkaas Diplomatica ah taasoo sabab u aheyd in lagu xiro Garoonka Aadan Cadde maadaama aysan isku mid aheyn baasaboorka uu wato iyo Shaqadiisa.
Arrintaan ayaa qeyb ka ah musuq maasuq baahsan oo ka jiro gudaha Hey’adaan, waxaana jirto dad badan oo sidaan camal loo siiyey Baasabooro Diplomatic ah iyo kuwa kale oo Service.
Dadka la siiyo Basaabooradaan ayaa qaarkood la siiyaa kadib markii laga qaaday lacago xad dhaaf ah halka kuwa kalana ay hey’adda ku qasbaan Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
MOL ayaa ogaatay in ku dhawaad 2000 oo Baasaboor Service ah la siiyey dad aan u shaqeyn dowladda Soomaliya, sidoo kalana waxay hey’adda bixisay tiro lagu qiyaasay ilaa 350 Baasaboor oo Diplomatic ah oo la siiyey shakhsiyaad hey’adda xiriir fiican la leh iyo kuwa kale oo ganacsato ah oo laga qaaday lacago xad dhaaf ah.
hoggaamiyaal sar sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay hey’ada socdaalka iyo Jinsidayaha u fududeysay qaadashada Baasabooro iyo in laga gudbiyey garoonka Aadan Cadde kadibna ay u dhoofeen wadamo ay kamid yihiin Sacuudiga iyo Qatar.
Hey’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ku jirto xaalad halis ah, mana jirto illaa hadda tallaabo ay dowladda Soomaliya u qaadeyso sidii loo badbaadin lahaa hey’adaan oo ku sigan inay gacanta u gasho Kooxda Al-Shabaab taasna ay keeni doonto inay dalka soo galaan Ajaanib ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonto musuq maasuqa dalka ka jiro balse waxaana muuqato inaysan waxba ka qabaneyn halista kusoo wajahan hey’adaan oo ah halka laga maamulo Xuduudaha dhulka iyo kuwa Cirka ee Dalka Soomaaliya.