Iyado amaanka Magaalada Muqdisho uu waqtigan yahay mid an la isku haleyn karin aya waxa bilaabatay in cabsi ay ka timaado Xarumaha Hey’adaha Dowlada ay ku shaqeeyaan.
Kulan ay maanta Guddiyada joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ku yeesheen Xaruntooda ayaa waxaa ay uga hadleen Ajendayaasha kulamada soo socda,Warbixin laga dhegeystay Guddiga Taakuleynta Fatahaadaha Beledweyne iyo Amniga Xarunta Golaha Aqalka Sare.
Sanator Axmed Nadiir oo ka mid ah xubnaha Golaha aqalka sare oo ka hadlay amniga xarunta Golaha ayaa sheegay in amniga xarunta uusan ahayn sidii loo baahnaa islamarkaana ay walaac ka qabaan arrintaas.
Waxa uu sheegay in muddo Hal sano iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo uu amnigeeda sheegay in uusan si wanaagsan u sugneyn.
Xubnaha Golaha aqalka sare ayaa horay u dalbaday in amniga xarunta lagu wareejiyo Ciidamo ka socda AMISOM sida xarunta Golaha shacabka oo kale.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa sheegay in AMISOM ay aqbashay warqad ay u qoreen islamarkaana la filayo in Ciidamo ka socda AMISOM ay la wareegaan amniga Xarunta Golaha aqalka sare.