Heshiiskii dhawaan laga gaaray colaadii Dhumay oo laga taageeray Puntland

Reading Time: < 1 minute

Salaadiinta iyo odyaasha dhaqanka ee Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan laga gaaray colaadii deegaanada Taleex iyo Dhumay. Colaadaan oo dad badan ku dhinteen ayaa waxa ku baxay salaadiinta deeganka Puntland iyo deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Shirar lagu qabtay Magaalada Garowe ayaa looga hadlay sidii loo sii adkayn lahaa heshiiska dhawaan laga garay colaada. Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay dowlada Fedaraalka iyo xildhibaanada wakiilka ugu ah in ayan waqti galin ama ayan ka hadlin heshiiska. Odoyaasha deegaanka ayaa ugu baaqay dowlada Farmaajo in ay qayb ka qaatado taabagalinta qodobadii lagu heshiiyay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!