Heshiiskii 2013 ee ICAO iyo Somaliya ee lagu soo Wareegnayey Hawada Somaliya oo sidii lagu Ballamay Maanta u Dhaqangalay!!!

Reading Time: 3 minutes

Waxay dawladda Somaliya in muddo ahba daba joogtay sidii gacanta Somalida loogu soo celin lahaa maamulka Hawada Somaliya ee ka sarreysa 26,000 ft. Dalka Somaliya waxaa dul mara 300-350 dayuuradood maalintii  waxaana laga qaadaa lacago fara badan oo aan dalka waxba ka soo gaarin. Sida aan xog ku hellay waxaa laga qaadaa duulimaadyadaas ijaar dhan sannadkii $665m  taas oo aysan dawladda Somaliya waxba ka heli jirin.

Mahadi ha ka gaartee Mudane Cabdullahi Cilmooge Xersi iyo dawladdi Sacid Shirdoon Farah ee uu madaxweynaha ka ahaa  madaxweyne Xasan Sheekh oo marwaliba la ogyahay sida  uu muqadas ugu yahay dhulka, badda iyo Hawada Somaliya waxay dagaal dheer u galeen inay gacanta Somaliya ku soo celiyaan hawadeenna sida ka muuqata warqadda hoos ku lifaaqan oo la qoray sannadkii 2013. Waxaa kaloo isgana mahad aad u weyn mudan dadaalladii Wasiiradii Saciid Jamac Cali “Qoorshel” iyo Jangali  oo dabagal iyo dadaal ku sameeyey hawashaa. Danjirihii berigaas Somaliya u joogay Nairobi Jamal Xasan oo hadda ah wasiir dawladdaan ka tirsan ayaa isagana hawl aad u weyn arrintaan ka qabtay.  

Heshiiskan manata  oo ah 28/12/2018 dhaqangalay ee lagu wareejiyey hawada waxaa uu dalka u keeni doonaa fa’iidooyin iyo magac weyn. Run ahaantii maanta waxay ahayd maalin guul weyn ay dalka u soo hoyatay waxayna ahayd in madaxdaas ugu yaraan looga mahad naqo oo lagu xuso xafaladaha iyo hawlaha wareejinta Somaliya hawadeeda.

Sidoo kale waxay dawladdii hore dalka ka hirgelisay dugsiga lagu barto arrimaha duulista hawada iyadoo dhallinyaro bandanna loo diray dalka Turkiga oo ay wax ku soo barteen. Haddaba waxaa la hubaa inaan ka adaga nahay maamulka iyo hagidda dayuuradaha dalka kor mara iyo kuwa soo dagaya ama duulaya. Wararka qaar ayaa sheegayna inay jirto hawl bilaabatay intii dawladdan jirtay oo ah in jidadka hawada qaar la rabo in laga wareejiyo dalka  Somaliya maadaama ay meesha ka baxday dawladdii aadka ugu dhagneyd arrimah dhulka, Hawada iyo Badda. Sidaas darted waxaa dawladdan laga rabaa inaysan oggolaan taako kamid ah Hawada, Badda iyo dhulkaba inuu wareego ama la qaato.

MO waxay dabagal ku haysaa arrinkaas waxayna maalmo dhow idiin soo qori doontaa macluumaadka khadadka la wareejin rabo iyo ciida loo wareejin rabo.

Waxaa nasiib xumo ah oo caado dawladdaan u ah inay sheegato heshiisyo shaqadoodii soo dhamaatay dhaqangal koodu ku dhacay xelliga ay  xafiiska Fadhiyaan, waxaana Tusaale kuugu filan heshiikii Wajeer in lagu dago lagu joojiyey  oo  ay Xamar ku saxeexeen madaxweyne Uhuruu iyo Madaxweyne Xasan sheekh shirkii madaxda IGAD ee Muqdisho lagu qabtay, laakiin dawladdaan ay shegatay in ay iyada ka soo shaqeysay.

Waxaa haboon in dalka taariikhdiisa aan la inkirin ee la abaalmariyo hawl wadeennadii hawsha fiican soo qabtay si kuwa hadda joogaa ay wax wanaagsan u qabtaan taariikhdana u galaan.

Xafalladda maanta waxay ku habooneyd in lagu casuumo madaxdaas iyo  laguna xuso shaqaalihii  loo dilay ka mira dhalinta hawshaan sida Dr. Cadaani iyo Raggii la socday oo dharaar cad loo dilay arrinkaan.