Heshiiska Wax soo saar wadaagga oo uu Kheyre Amray inaan la Horgeyn Barlamanka Berito ee La geeyo Kan Betroolka oo kaliya.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalinta berri h ala horgeynayaa Barlamanka sharciga Shidaalka. Shircigaan waa sharci uu mugdi badan ku jiro waxaana laga rabaa xildhibaannada kuwooda damiir waddanimo leh inay saxaan oo dib ugu celiyaan dowladda.

Sharciga laga ansixinayo Baralmaanka Federaalka waxaa la sameeyay 2008, hadda dib eegis ayaa lagu sameeyay. Sharcigaas markii la ansixinayay sanadii 2008 waxaa la socday Heshiiska Wax Soosaarka Wadaaga. Heshiisyada Wax Soo Saarka Wadaaga oo ah heshiiska Soomaaliya la galayso shirkadaha shidaalka si dalka ugu qodaan shidaal.

Wasaaradda Batroolka waxay isna ku sameysay dib u eegis heshiiskaas wax soo saar wadaagga. Waxay ahayd haddaba in labaoodaba (sharciga iyo Heshiiska) hal mar laga wada ansixiyo si uu u noqdo halbeeg cad oo la wada ogyahay (Standard). Maadama qodobka 24aad ee Sharciga Shidaalka ka hadlayo Heshiiska Wax Soosaarka Wadaaga waxay ahayd in Heshiiska lagu soo lifaaqo sharciga. Balse wararka ay MOL ka heshay xildhibanadana Wasaaradda Batroolka waydiiday in Heshiiska Wax Soosaarka Wadaagala horkeeno Barlamaanka. Sidaa daraadeed dadka Soomaaliyeed iyo Barlamaanka ma ogaan karo waxa uu yahay heshiisyada lala galayo shirkadaha.

Taasina waxaa ka dhalanaya in shirkada waliba si goonni ah loola macaamilo, iyadoo lala galayo heshiikii la doono oo aan lahayn meel loola noqdo oo hadhow ay dalka shirkado badan ku dacweeyaan maxkamadaha adduunka. Shirkadahaas ay dalka ula yimaadaan heshiis wax soo saar wadaagah marka mid waliba uu wasiirka ama masuul wasaardda ka tirsan uu siduu rabo ula galo heshiiskaas lana waayo sharci lagu kala saaro, taas oo aad uga dhacda waddamada shidaalka loo soo saaro haddaan la helin sharci caam ah oo lawada ogyahay.

Xildhibanada damiirka ku haray waxaa xil ka saaran yahay inay wasaaradda weydiiyaan in ay horkeenta Barlamanka heshiiska wax soo saar wadaagga. Waana in wasaradda lagula xisaabatamaa sababta ay u diidan tahay in Heshiiska Wax Soosaarka Wadaaga la horgeeyo Barlamaanka?