Heshiis rasmi ah oo laga gaaray xiisadii degmada Kaxda

Reading Time: < 1 minute

Waxaa heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad dagaal iyo dilal aanooyin qabiil salka ku haayay oo dhawaan ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Shir ka dhacay degmada Kaxda oo ay isugu yimaadeen Odayaasha & Waxgaradka beelaha xiisada u dhaxeysay iyo Maamulka degmada ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ku saabsan in xiisada iyo dilalka la joojiyo.

Nabadoon Cabduqaadir Cabdullaahi oo kamid ah waxgaradkii kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in heshiiska ay kamid ahaayeen in xabada la joojiyo,wadooyinka iyo Ganacsiga la isku furo iyo cid alaala cidii mar dambe qaada qorsho ka dhan ah amniga tallaabo laga qaado.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in lagu heshiiyey in la diyaariyo Ciidamo amniga suga sidoo kale la magacaabo guddi kormeer ku sameeya dhaqan galka heshiiska iyo dhibaatooyinkii dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!