Heshiis laga gaaray isku shaandheynta golaha Wasiirada & Wasiiro xilalkooda weyn doona

Reading Time: 2 minutes

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen MOL waxaa lagu wadaa in ay xilalkooda waayi doonaan wasiiro katirsan Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya, iyadoo ay saacadihii u dambeeyey cadaadis lagu saaray in MW Farmaajo uu aqbalo isbedelka uu qorsheeyay RW Kheyre kaasoo uu uga dan leeyahay in uu ku daboolo fashilka uga yimid heshiiska Ahlu Sunna iyo burburintii Galmudug.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wasaaraddaha Arrimaha dibada, Maaliyada, Qorsheynta, Waxbarashada, Ganacsiga, Gaashandhigga iyo Arrimaha gudaha ay saameyn doonto isku shaandheynta.

Warar ku dhaw dhaw, Xaafiiska Raysalwasaaraha waxay sheegayaan in ay xilalkooda waayi doonaan wasiirka Arrimaha dibada iyo Ganacsiga oo labadaba ka bixi doona liiska golaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee hadda Cabdiraxmaan Beyleh ayaa noqon doona wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya, isagoo uu booska baneyn doono Axmed Ciise Cawad oo aan xariir wanaagsan kala dhaxeyn Raysalwasaare Kheyre.

Wasiirka qorsheynta ee hadda Jamaal Maxamed Xassan ayaa noqon doona wasiirka cusub ee Maaliyada Soomaaliya, Jamal ay aad ugu dhow MW Farmaajo iyo Fahad Yasin.

Wasiirka Gaashandhigga ay xilkiisa weyn doona waxaana lagu bedelayaa Safiirka Somaliya u fadhiya ururka midowga Yurub Dr. Cali Faqi Saciid sido aan xogta ku helnay.

Lataliyaha gaarka ah ee Arrimaha Siyaasadda Raysalwasaare Kheyre Cabdiqani Cabdi Jama ayaa noqon doona wasiirka cusub ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidaas oo kale wasiirka Ganacsiga ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu bedeli doonaa siyaasi kale oo ka soo jeeda beesha gudoomiyihii geeriyooday ee gobalka Banaadir, waxaana muuqata in ay arrintaas tahay mid lagu dajinayo damiirka beesha iyo qoyska Yariisow.

Waxbarashada, waxaa lafilayaa in xilalka laga qaado wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha, iyadoo sabab looga dhigayo khilaaf kala dhaxeeya Wasiirka Cabdullaahi Goodax Barre oo ay saaxiib dhaw yihiin Raysalwasaaraha, kana mid ah xubnaha ka difaaca dhanka baarlamaanka.

Warar aan helnay waxay sheeganayaan in aan waxba isbedel ah lagu sameyn doonin wasaaradda Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya, iyadoo aan laheynin macluumaadka keenay in isbedelkas uu saameyn waayo, wasaaradaas oo ay dad badan aaminsan yihiin in ay ku fashilantay sugida Ammaanka.

Xogtan waa mid isbedeli karta, maadaama aan wali lagu dhawaaqin sida rasmiga ah, iyadoo ay soo dhamaadeen latashiyo u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.