Hay’adda xuquuqal insaanka ee Amnesty International aya warsaxaafadeed ka soo saartay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre. Hay’adda aya sheegtay in ay tahay wax aad looga xumaado in xabado nool lagu rido arday si nabad ah u muujinayay shucuurtooda kaddib markii laga joojiyay imtixaanadii ay geli lahaayeen.
Hay’adda aya sidoo kale sheegtay in ay tahay arrin aan qiil loo hayn in ay dowladda sheegto in ay xireyso dhammaan internetyada si dadka aanay u isticmaalin baraha bulshada. “Waa saan saan lagu yaqaan wadamada ay xukumaan kalitalisyada” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Ciidanka Dowladda aya xabada ku furay arday sameeyay bannaanbaxyo kuwaasoo ka cabanayay go’aankii lagu joojiyay imtixaanada shahaadada dugsiyada sare. Laba arday ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac rasaastii lagu furay maanta.