Warbixin ay soo saartay Hay’adda Transparency International’s 2022 Corruption Perceptions Index (CPI) ayaa Soomaaliya ku tilmaantay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan Qaaradda Afrika ee ka hooseeya Saxaraha waxaana ku xiga dhanka Musuq maasuqa dalalka Koonfurta Suudaan iyo Burundi.
Boqolkiiba %100 ka, Soomaaliya waxa ay keensatay 12% boqolkiiba taas oo ah tan ugu liitada boondooyinla lagu qiimeeyo musuqumaasuqa ka caalam dalalka caalamka.
Warbixinta TI ayaa sheegtay in musuqmaasuqa baahsan uu baabi’iyay dimuqraadiyadda, amniga, iyo horumarka Afrikada Saxaraha ka hooseeya, gaar ahaan intii lagu jiray masiibada Covid-19 oo ay ahayd mid adag oo kormeerka hawlaha dawladda.
Soomaaliya, warbixintu waxay sheegtay in dalka oo ay hareeyeen rabshado iyo xasillooni-darro muddo ka badan sodon sano aysan jirin wax macna ah oo lagu xakamayn karo musuqmaasuqa baxsadka ah.
Warabixinta ayaa ku tilmaantay hogaanka ka jira Soomaaliya mid isagu qayb-weyn ku leh ku dhaqanka iyo difaaca Musuqmaasuqa taas oo ka dhigtay dalka Soomaaliyta dal bahalo galeen ah oo ay ka fogaadaan dalalka ama shirkadaha maalgashada wadamada soo koroya.