Hay’adda sirdoonka NISA oo gebi ahaanba lakala diray maanta (Caddeyn)

Reading Time: < 1 minute

RW Xasan Cali Kheyre ayaa maanta qalinka ku duugay 283 ka mid aha ciidanka NISA oo lagu wareejiyay booliska, ciidanka dowladda hoose ee Muqdisho iyo ciidanka asluubta.

Ciidankan oo u badnaa qeybta sirdoonka kuna shaqeyn jiray qaab dhar cad ah oo aanay shacabka ogeyn. Wareejintan ayaa keeneysa in la ogaado magacyada iyo muuqaalka saraakiisha sirdoon ee muddo ka badan 10 sano u shaqeynayay hay’adda NISA kuwaaso ahaa saraakiishii u xil saarneyd keenista xogaha amni.

Saraakiisha la wareejiyay aya sheegay in halis la geliyay naftooda isla markaana aanay marnaba ka fileyn in dowladda Soomaaliya aay soo bandhigto magacyadooda iyo darajadooda ayuu yiri mid ka mid ah saraakiish oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, mid kale ayaa sheegay “Xaaskeyga iyo carruurteyda ma ogeyn in aan ahay sarkaal sirdoon oo u shaqeeya NISA, balse maanta Muqdisho oo dhan ayaa ogaatay, waxaana masuul ka ah wixii i soo gaara Madaxweyanah iyo Ra’isula Wasaaraha” Ayuu yiri.

Agaasime KX NISA Fahad Yasin ayaa diyaarinaya ciidan cusub oo aay yeelato ha’yadda NISA kuwaasoo hadda uu tababar uga socdo gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in dhawaan la keeno magaalada Muqdisho. 

Ciidamadaan oo qaab qabiil loo soo xulay aya qorshuhu yahay in lagu gummaado siyaasiyiinta iyo shacabka deggan magaalada Muqdisho