Hay’adda NISA oo maanta u gudbisay MW Farmaajo cadeymihii mas’uliyiintii lagu qabtay dhoofinta daroogada iyo lacagaha been abuurka

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo u gudbisey Cadeymaha kiiskii dembiga ahaa ee lagu qabtey Garoonka  Aadan Cade ee la xiriirey arimaha dhoofinta Daroogada iyo dhaqitaan lagacaha Doolarka ee been abuurka ah. Sidii MOL horay idinkuugu soo sheegtay waxaa barnaamijkaan qorsheeysan in mudo ah waday labo mas’uul oo ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka Qaranka.

Xogta  maanta loo gudbiyay MW Farmaajo aya waxaa lagu sheegey in Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye (Shaakuud) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo Madaxweynaha ehel la ah ay ka dabeeyeen mas’uuliyadda dembiga. Waxaa laga sugayaa MW Farmaajo  wixii talaabo ah oo uu ka  qaadayo dabiga labadda mas’uul.

Dhanka kale Safaaradda dalka Mareykanka ee Somaliya ee fadhigeedu yahay magaaladda Neyroobi  ayaa codsi u soo gudbisay dowladda Somaliya  kaas ay  codsatay in dowladda Somaliya  la wadaagto dhamaan cadeymaha la xiriira dacwadaan.  Dhaqida lacagta Doolarka waxaa ka yaalo sharci culus oo keeni kara in labadaas mas’uul lagu qaado dacwad ay hogaaminayso hay’adda FBI. Labadaan mas’uul ayaa haysta dhalasho wadamo kale.