Hay’adda NACADA-Dowlada Kenya oo qaadka ku dartay daroogooyinka khatarta

Reading Time: 2 minutes

Hay’adda Qaranka ee Ololaha ka dhanka ah Xad-gudubka Daroogada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (Nacada) ayaa warbxin ay soo saaraty asbucuaan waxa ay ku sheegtay inuu  qaadka ka mid yahay darooyinka khatarta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Kenya.

Hay’adaan ayaa ah hay’ad dowli ah oo ay leedahay dowlada Kenya  taas u xilsaaran xakameynta iyo ka hortaga daroogooyinka.

Hay’adda ayaa warbixin ay soo saartay asbuucii hore ayaa  sheegtay in Qaadku ka mid yahay daroogooyinka sida noocyo kamida khamriga, tubaakada la duubo. Hay’adda ayaa sheegtay in Qaadku  ka mid yihiin daroogooyinka iyo maandooriyaha ugu sarreeya taas oo ay isticmaalaan dadka da’doodu u dhaxayso 15-65 jir, iyada oo dadka sida joogta ah u isticmaala  Qaadka Miiraha ama muguka ay ka badan yihiin 960,000 oo qof.

Maamulaha guud ee Nacada Victor Okioma ayaa sheegay in Qaadka miraagu uu ka mid yahay daroogooyinka  “ka mas’uul ah cillado badan oo isticmaalka muqaadaraadka”.

“Waxaa jira dad ku jira xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo qabatimay isticmaalka Qaadka miiraha. Si kastaba ha ahaatee, qaadka ugu dhibka badan waa nooca loo yaqaan muguka. Cilmi-bariyayaashu waxay muujiyeen in Maandooriyaha, Daroogada iyo Walaxda Cilmi-nafsiga ay u dhaqmaan inay yihiin walxo waxyeello leh,” ayuu yidhi Mr Okioma.

Mr Okioma waxa uu sheegay in ka xubno ka ah Qaramada Midoobay, ay ka go’an tahay in ay habeeyaan sharciga si loo mamnuuco isticmaalka  Qaadka Miiraga. Taas oo macnaheedu yahay in Qaadka gabi ahaanba aduunka laga mamnuuco.

“Mawqifka Nacada ayaa ah in Qaadka Miraagu uu waxyeello u geysto, mugukana uu ka sii dhib badan yahay. Tani waa sababta aan ugu hortagayno balaarinta suuqyada oo aan uga soo horjeedno isku dayga lagu farsameynayo Qaadka kaas oo hada la doonayo in casiir laga dhigo..,” ayuu yiri maamulaha Nacada.

Beeralayda iyo daneeyayaasha kale ee Qaadka Miirooga ayaa ku doodaya mowqifyada ka soo horjeeda jkaas ee ku aaddan dalagyada, iyaga oo ku doodaya in warbixintu ay hoos u dhigtay dadaallada lagu soo celinayo meeqaamka Qaadka Miiraga.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa la geeyaa dalaga Qaadka ooo aa u farabadan kaas oo ay cunaan malaayiin Soomaali ah. Ma jirto baaritiaano laga sameeyay dalka Soomaaliya oo ka hortagayo dhibaatada Qaadka ku hayo dadka Soomaaliyeed. Mana jirto dowlada iyo culumo ka soo horjeedo ka hortaga cunista Qaadka.