Iyado Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ay ciidamo ilaala u ahaa ka afduubteen xarun Hay’adda ay ku laheyd gudaha gobalka Banaadir.
Laamaha amniga Soomaaliya ayaa wali baadi goobaya Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo la la yahay halka jaan iyo cirib ay la aadeen qaar katirsanaa ilaalada Hay’adda ICRC oo xalay ka afduubtay xarunta Hay’adda oo ku taal Laami yaraha Zoobe Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Wararka anu heleyno aya shegaya in Hey’ada ICRC ay shaqeelaheeda ajaanibta ah ay kala baxday manta gudaha Caasimada ah ee Muqdisho,ka dib markii ciidankii ilalada u aha ay afduubteyn Haweney Hey’adaasi ka tirsaneed.
Galinkii danbe ee Maanta aya waxa ilo ka tirsan shaqaalaha Garoonka aden Cade ee ino shegeyn in Hey’ada ICRC shaqaalaheeda ay gabi ahanba kala baxday Muqdisho iyo qalabkii xaruntooda yaala.
Waxa gabi ahanba Fashil ku sugan Xaalada amaan ee Muqdisho iyado ay sii kordhayaan falalka amni daro ee Muqdisho ka dhaca,xili ay laamaha amanka dalka ku fashilan yihiin sugida amaanka.