Hay’adda CID Booliiska Muqdisho oo noqotay suuq dadka lagu kala iibsado

SOMALIA, Mogadishu: In a photograph made available by the African Union-United Nations Information Support Team 7 May, an officer with the Somali Police Force (SPF) stands on parade with the Japanese flag ahead of a handover ceremony of equipment donated by the Government of Japan through the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) Trust Fund to support the rebuilding of the SPF in the Somali capital Mogadishu. The equipment included a motor transport fleet of 15 pick-up trucks, two troop personnel carries and two ambulances, 1.800 ballistic helmets and sets of handcuffs, over 1,000 VHF radio handsets, and musical instruments for the police band. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.
Reading Time: < 1 minute

Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku jira Xabsi weyn oo ku yaala xarunta Dembi Baarista Booliiska Soomaaliya ee CID, kuwaas oo qaarkood muddo fog ku jira Xabsiyada CID.

Dadkaan ayaa u badan dhalinyaro laga soo qabtay xaafadaha magaalada Muqdisho markii ay howlgalada ka sameeyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana qaar kamid ah ay xiran muddo ku dhow sanad.

Ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraan tan iyo markii halkaan la keenay halka qaarkoodna la baaray dembiyana lagu waayay balse lagu celiyay xabsigii ay ku jireen.

Sida ay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga ay MOL u sheegeen in CID ay dadkaan ka dooneyso lacag u dhaxeysa 3,000$ 10,000$ oo dollar. Dhowr qof oo ka tirsaneed dadkaan ayaa lagu sii daayay lacagta aan kor ku soo xusnay sida ay noo sheegayn dadkii la xirnaa iyop qaar ka mid ah ehellada.

Haweenay wiilkeeda uu kamid yahay dadka xiran ayaa MOL u sheegtay in la weydiistay lacag dhan 4,200$ oo dollar si loogu sii daayo wiilkeeda oo ah Arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaaan ogaanay in hore sidaan oo kale dad badan laga qaatay lacago madax furasho ah oo kumanaan dollar ah islamarkaana laga sii daayay xabsigii ay ku jireen ee CID-da.

Arintaan ayaa halis waxay ku tahay amaanka qaranka. Sidoo kale CID waxaa dhib badan ku qaba qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo Carruurtooda oo aan dembi ah gelin isaga jira Xabsiyada hey’adda.

Booliiska Soomaaliya oo sameeya Baaritaano todobaadkiiba ugu yaraan 2 jeer ayaa hey’adda u gacan geliya tobaneeyo dhalinyaro ah oo guryahooda laga soo qabtay kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato in ay ka dhamadaan xarunta CID, halka qaarkoodna iyagoo aan dembi gelin la isaga heesta Xabsiga markii ay bixin waayaan lacagaha laga rabo ee Madax furashada ah.