Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa manta heshiis ku saabsan sida loo fulinayo Barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Arrimiha Dastuurka la saxxiatay hay’adihii ku guulaysta fulinta barnaamijyadaas islamarkaana u furtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen hay’adahan iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka si bulshada loogu wacyi geliyo dib-u-eegiata Dastuurka.
Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad guu ka bixiyay muhiimadda heshiisyada ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadaha Ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha si loo daadajiyo howlaha wacyi galinta islamarkaana qof kasta oo soomaali ah uu wax ka ogaado muhiimadda dastuurku u leeyahay iyo in uu la socdo halka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.
Agaasimaha ayaaa sheegay in ay muhiim tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu barto muhiimadda dastuurku u leeyahay bulshada isla markaana uu fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinku, si taas loo fuliyana wasaaraddu waxay u wakiilatay hay’adihii fulin lahaa arrintaas kuwaas oo ku soo baxay si daahfurnaan oo caddaalad ah.