Hawlgal dad lagu qabtay oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari, ayaa xalay hawlgal lagu sugayay Amniga ka sameeyay magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. Hawlgalkaas intii uu socday, waxay ciidanku baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha sidoo kale ee dadweynaha, si loo xaqiijiyo Amniga magaalada.

Taliyaha Qaybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare, Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo haatan lagu hayo saldhigyada Booliska, si baaritaan loogu sameeyo. G/sare Xuseen Cali Maxamud, ayaa sidoo kale shacabka Boosaaso uga mahad-celiyay sida ay Ciidanka uga gacan-siiyaan sugidda iyo adkaynta Amniga magaalada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!