Hawiye oo laga Saaray Awood qeybsiga Dalka. Maxay Keeni Kartaa?

Reading Time: 3 minutes

Waxaa shirarkii Dib u heshiinta Somalida ee muddada la soo waday, dowlad dhiska la gardaadinayey waxay mar waliba ku dhisneyd awood qeybsi aan qorneyn hasa yeeshee la ilaaninayey marka laga soo bilaabo Carta. Waxaa mar waliba muhiim ahayd inay jiraan afar jago oo hallo ahawan kala dywan laakiin iskabaya. Waxana loo Wadan jiray si siman o solo waliba waxay ka muuqan jirtay saaxadda siyaasadda. Haddii MW uu beel noqdo beesha kale waxay lahayd R/wsaaraha, labada beelood ee kalana waxay lahaayeen Gudoonka Barlamanka iyo Maxkamadda Sare.

Haddaba aynu dib u raacno maxaa dalka Burburiyey xelligii Maxamed Siyaad? Qof waliba waxay garan kartaa sandbursi xaaraan ah oo awoodaha dowladda inuu gacanta u galay Maxamed Siyaad ka soo jeeday beesha Daarood, iyadooo beelaha Hawiye iyo Dir (Isaq) lagu tuntay Raxanweynna laga soo qaaday inaysanba jirin. Farsamadaas waxay ugu dambeyntii ka dhashay in Beelaha Dir, gaar ahaan Isaq lagu qaado weerarro caddaan ah 1988, iyadoo beesha Hawiyana meel kasta laga cunaqabateyey. Cidna ma diidi karto in Xukunkii Maxamed Siyaad uu dhuuniqaatayaal ka watay beelaha uu dhibaateynayey sida maantaba uu Farmajo uga wato beesha Hawiye dhuuni raacyo calooshood la ciyaar ah oo lagu buuxiyo midabada meesha la soo dhigayo.

Maxaa dhiilladaas iyo Xanuunkii tagay soo kicinaya?

Waxaa soo kicinaya cabsida ka timid gabood falladii horay u dhacay .Dowladda Federaalka waxay ku dhisan tahay awood qeybsiga 4.5. Beesha Hawiye waxay saaxadda siyaasadda ka maqan tahay 33 maalmood, sidoo kale waxay aqalka sare ka maqan tahay inta uu jiray, waana gef iyo gabood fal keeni kara inay beeshaan qaaddo tallaabadii ay qaaday 1991, taas oo keentay in talada xoog looga warejiyey Maxamed Siyaad kadibna dagaallo sokeeye ay halkaa ka bilowdeen kuwaas oo ilaa maanta aan si fiican looga soo kaban.

Madaxda  oo hadda joogtaa dalka jidkaas ku waddo Iyo Mucaaridka oo leh bal aan sugno inta doorasho laga gaarayo midna ma xakameyn karaan haddii talada ay faraha ka baxdo balsa inta ay wax ka qabasho leedahay ayey xal  iyo geesi u kacaa u baahan  tahay.

Maxay keneysaa ka maqnaanta Beesha Hawiye Talada dalka?

Cidna ma inkiri karta beesha Hawiye inay dulqaad badan tahay  oo ay muddo dheer sugto in waxa la saxo inata aysan arrimaha xoog ku xallin. Marka la eego curfiga iyo dhaqanka awood qeybsiga wuxuu si dedban xaaraan uga dhigayaa go’aamo kasta oo lagu jebinayo wixii lagu heshiiyey ee ahaa 4.5 iyadoo aan la isla ogolaan in laga guuro.

Haddaba Hawiyaha oo awood dhaqaale, tiro iyo tayaba isku darsaday waxay diidi karaan go’aan kasta oo la gaaro iyagoo golaha ama goobta lagu gaaray si sinnaan jago ah uga maqan, ee aan ahayn shkhsiyaadka meesha ka soo muuqda oo dantooda u tagay goobta ama lagu midab buuxsaday sida Cumar Finish.

Waxaa halkaan ka muuqata in si u talagal ah ay Madaxdweynaha iyo Fahad Yasiin uga maqneysiiyeen shirkii Dhuusamareeb3  Hawiyaha oo ay ahayd inay ku joogaan R/Wasaare, si go’aamada halkaa ka soo baxayaa ay u noqdaan kuwa ay ka qeybgaleen Hawiyaha. Doodda maaha shakhsiyaadka Hawiye ee goobta joogay waa jagada Hawiye ee goobta joogtay.

Digniin Adag ah oo muhiim ah.

Qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 iyo kan hadda loo ballansan yahay ee ay dhici karto in Xamar lagu qabto, lana leeyahay waxaa ka soo qeybgalaya Beesha Caalamka oo beryahan iska noqotay shaabadda uu Farmajo ku ansaxsado waxa uu rabo, ayaan waxaan ka digeynaa inaan la qaban shirkaas iyadoo la magacaabin RW Hawiye, lagalana tashan dhammaan wixii Dhuusamareeb 3 ka soo baxay iyadoo la saxayo lana waafajinayo codaaka 4.5ka ee awood qeybsiga Somaliya. Haddii uu RW iman doono ka biya diido qodobo ka mid hashiska Dhuusamareeb 3 waa in dib loogu noqdaa lagana waafajiyaa awood qeybsiga oo dhammaan ay aragtidooda ka muuqataa.

Laga yaabe in dadka qaar uu hadalkan la qaraar yahay maanta laakiin waxaa uu noqon karaa talo lagu baajiyo dhibaato hor leh oo noo iman karta, maadaama Hawiyaha oo ah beesha ay dowladda Somaliyeed ka dumi la’adahay ay go’aan sadaan maxaa nagu khasabaya ilaalinta dowlad aan ka maqan nahay meelaha lagu gaarayo taladeeda muhiimka ah sida hogaanka saree ee dalka?.