Sida uu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Kenya, inta badan haweenka qaxootiga ah ee Soomaalida ah ee da’doodu u dhaxayso 15-39 sano jir ee ku nool magalaada Nairobi ayaa si qarsoodi ah u isticmaala daawada ka hortagga uurka.
Dumarka ayaa la sheegayaa in ay qaataan daawada iyagoon ninkoodu ka warqabin maadaama ay ragga Soomaalida ay rabaan in haweenkooda u dhalaan caruur fara badan.
Inta badan haweenka Soomaalida ah ee la qabo ee da’doodu u dhaxayso 15-39 sano ee ku nool magalaada Nairobi iyo nawaaxigeeda ayaa isticmaala cirbad ka hortaga uurka iyo kaniiniyo sababtoo ah qaadashada daawooyinka ma aha mid la ogaan karo ama la dareemi karo.
Warbiixintaan ayaa waxa ay ku salaysan tahay daraasad uu sameeyay Dr. Eliphas Gitonga, oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka taranka, isla markaana bare ka ah jaamacadda Kenyatta.
Daraasaddiisa waxa ay isku dayday in ay ogaato isticmaalka hababka qorsheynta qoyska ee haweenka qaxootiga ah ee Soomaalida ee la qabo ee da’doodu u dhaxayso 15-39 sano ee Ismaamulka Nairobi.
Dr. Eliphas Gitonga Waxa uu muunad ka qaaday 605 haween ah oo ka kala yimid degmooyinka Kamukunji, Embakasi, iyo Ruaraka kuwaas oo boqolkiiba 26 ka mid ahi ay sheegeen in ay isticmaaleen nooc ka mid ah qorshaynta qoyska ee casriga ah.
Kaniiniyada la isku duro (boqolkiiba 33.1) iyo kaniiniyada maalinlaha ah (24.4 boqolkiiba) ayaa ugu caansan sababtoo ah. “Dumarku waxay qaadan jireen iyagoo aan ogayn nimankooda, sababtoo ah ragga ayaa go’aaminaya inay qaataan ka hortagga uurka iyo in kale. Sidaas darteed in iyaga oo aan oggolaansho ka helin ragooda ay tahay hab lagu sameeyo rabshadaha qoyska”, ayuu yiri.
Dhanka kale Dr. Eliphas Gitonga ayaa sheegay ugu yaraan (5.4 boqolkiiba) ay isticmaalaan xaasaska da’yarta ah (15-19-jirrada).
Dr. Eliphas Gitonga oo soo saaray natiijada 18-kii Janaayo, 2023, intii lagu jiray kulan quraac ah oo warbaahinta goobjoog ka ahayd, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dhaqameed ee bulshada Soomaalida ay keentay in baartiaankaan la sameeyo.
Taas oo uu sabab uga dhigay in raga Soomaalida ay guursadaa gabdhahooda da’doodu aad u yar tahay. Daraasaddaan ayaa waxa ay tilmaamtay in haweeneenka Soomaalida ee qaxootiga ah ee haysata waxbarashada sare iyo sare ay aad ugu badan tahay isticmaalka ka hortagga uurka marka loo eego kuwa heesta waxbarashada aasaasiga.