Inta badan Bulshada Somaliyeed waxaa bulsho xoolo dhaqato iyo beeraley ah, labada qaab bulsho ee dhaqan dhaqaale waxay ka sinnaayeen in mar waliba hawshu ay kala qeybsan tahay oo ragga ay ka soo shaqeynayeen guriga bannaankiisa halka haweenka ay ka shaqeynayeen guriga dhexdiisa, sababtuna waxay ahayd iyadoo hawsha bannaanka ay u baahneyd xoog iyo adadeyg aysan haweenku lahayn.
sidoo kale Bulshada xoolaleyda inta badan xoog ayaa wax lagu qeybsadaa sida baadka iyo biyaha waxaana mar waliba muhiim ahayd welina ah inaan haweenka ka qeyb gali karin hawshaas oo mararka maar goarta gacan ka hadal.
Hasa yeeshee, markii la magaaloobay waxaa is badalay hawshii bannaanka loo aadeeyey oo u baahatay aqoon iyo xirfad, taas oo ay noqotay hawl ay haweenka ka qeyb geli karaan. Wixii intaas ka dambeyey waxaa muhiim ahayd, haddana ah aqoonta oo xoogga xirfadayo oo gaar ah ayuu ku soo haray.
Dowladahii dalka soo maray ilaa carta waxaa jiray dadaallo ay haweenka ugu jireen inay xaqooda soo dhacsadaan si caddaalad ah si ay ugu qeyb galaan hawlaha bulshada loo qabanyo sida siyaasadda iyo maamulka, waxbarshada iyo caafimaadka iyo kuwa kale oo badan waxaasa ugu muhiimsanaa doorka hogaaminta dalka oo ay aad uga maqnaayeen.
Marka carta laga soo bilaabo dowladdii ugu fiicneyd ee ay haweenka door muhiim ah ku lahaayeen waxay ahayd dowladdii 2012-2016/17, waxaana madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan ayaa ahaa qof ka yimid bulshada rayidka iyo waxbarashada oo wuxuu ahaa Bare jaamacadeed oo waxaa mar waliba u sinnaa wiilasha iyo gabdhaha uu wax u dhigo waxaanu mar waliba abaal marinta ku bixin jiray kartidooda shaqo ee ma ahayn midda ay yihiin laba ama dhedig.
Taasin waxay keentay in markii uu madaxweynaha noqday inuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey oo ay dowladdiisa jagooyin muhiim ah ka qabtaan haweenka ila gobanimadii.
R/Wasaare ku xigeenka dalka oo ah jago muhiim ah oo gudoomisa golaha wasiiradda oo ah hay’adda ugu awoodda badan dalka dhinaca fulinta iyo socodsiinta hawlaha dalka waxaa uu ka dhigay Marwo Fowzia Xaaji Aden.
Sidoo kale waxaa uu isla Fowzia ugu daray inay hagto siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna oo aad iyo aad u adkeyd xelligaas welina u adag, waayo waxaa uu eegay kartideeda iyo awoodeeda hogaamineed ma eegin laba ma dhedig midda ay tahay.
Maamulka dhexe ee dalka waxaa uu ku soo daray haween badan oo dalka wax ka hogaaminayey xelligiisii.
Waxaasa intaas oo dhan ka qiimo weynaa Barlamanka dalka oo uu soo buuxiyey qoondadii haweenka ee ahayd 30% , mana jiro hogaamiye kale oo guushaan u keenay haweenka.
Mar la weydiiyey waxaa ay tahay sababta uu haweenka ugu kalsoon yahay inay dowladda soo galaan waxaa uu sheegay:
1- Inay isaga hooyo soo korisay oo wax soo saar hooyo ka yimid wax kasta oo uu yahayna ay haweenka u yihiin udub dhexaad aqoonsan yahayna kartidooda.
2- waxa uu sheegay in haweenka ay ahaayeen kuwii bulshada Somaliyeed Badbaadiyey markii uu burnuray nidaamkii dowliga ahaa, hadda oo ay dowlad jirto waxaa uu qabaa wax weyn inay qaban karaan.
3- Taariikhiyan in Anbiyadii sida Nabigeennii Suubanaa Muxamed ama Nabi Muusa ama kuwii kale waxaa mar waliba garab taagneyd haween oo uu rabbi ku lamaaniyey taasina ay tahay xikmad diini ah.
Waxaa suuragal in haddii uu talada ku soo noqdo in Wasiirka koowaad ama R/wasaaraha dalka uu u magacaabo Gabar taas oo ah mid aad iyo aad u badali doonta aragtida shacbiga, keenina karta inay noqoto haween madaxweynaha isaga ku xiga.
Haddaba akhriste anigoo ah haween aan hadda siyasadda ku jirin waxaan u hambalyeynayaa walaasheen Xil. Sacadiya Salad iyo xataa Madaxweyne Xasan sheekh oo muujiyey qiimaha ay haweenka u leeyihiin iyo inuu jecel yahay inuu mar waliba ka siiyo jagooyin muhiim ah dowladiisa.
Waxaan rabaa inaad ogaataan siyaasadda waa xulufeysi la shaqeeya oo kaashada ragga idiin ogol inaad hogaaminta ka mid noqotaan si aad u yeelataan khibradda loo baahan yahay taas oo aan lagu duri karin wax qabadkiinna.
Guul iyo Horumar haweenka, gallad iyo mahadnaq Madaxweyne Xasan sheekh.
WQ. Nadifo Cabdi Xaji