Haweenka Bulshada Rayidka Ah oo Baaq u Diray Xildhibaanada Taagersan Xukumada ee Qalalaasaha Wada

Reading Time: < 1 minute

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid baaq loogu diray, Xildhibaanada Golaha shacabka si ay xooga u saaraan xasiloonida siyaasadeed ee Wadanka .

Haweenka ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka uga digay in ay ka feejignaadaan waxaayabaha khal-khalka galin karo siyaasada dalka maadaama ay gacanta ku hayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Xubnaha Meesha ka hadlay waxaa ka mid aheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe waxa ay tiri “ wax waliba waxa aan soo jeedineynaa in jiritaanka Ummada Soomaaliyeed laga horumariyo, sidoo kale wiilsha Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqeynaa in ay isku tanaasulaan iyaga oo fiirinayo Danta dalka iyo dadka eegayana dhibaatada heysata bulshada Soomaaliyeed.”

Saynab Maxamed Xasan ( Siraad ) oo ah gudoomiyaha Ururka SGEM ayaa mar ay ku hadashay Afka Haweenka Bulshada Ra’yida waxa ay tiri “ Xildhibaanada Golaha Shacabaka waxa aan ka codsaneynaa in ay joojiyaan khalalaasaha iyo dhibaatada ka dhex taagan siyaasada, iyada oo la fiirinayo danta shacabka sababta oo ah haddii qof meesha laga saaro waxa ay horseedi kartaa dhibaato hor leh, waxa aan ku talineynaa in la wada hadlo oo miiska la wada fariisto, iyada oo lagu dhaqmayo Dastuurka u yaalla dalka.
Xildhibanada taageersan Xukumada aya isku dayaya in ay buuq iyo foodo ka kiciyaan Golaha shacabka iyado ay so idlatay mooshinka gudoomiye Jawaari.