haweeney kamid aheyd guddiga Farsamada dhisamaha Galmudug oo is casihay

Wararka aymu helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in ay is casishay haweeney kamid aheyd guddiga Farsamada dhisamaha Galmudug.

Xubnahaan oo ka koobnaa 13 xubnood ayaa waxaa xalay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya,kuwaas bilaabaya dhismaah Galmudug loo dhan yahay.

Xubinta is casishay oo haweeney ah ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xaliima Cabdi Cali,waxaana la sheegay inay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinimada Guddiga ay kamid aheyd,hayeeshee aan weli sidhab ah loo ogeyn sababta ay isku casishay.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli Hoggaanka Ahlusunna ays aluugsan yihiin guddigana ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana ay macquul tahay inay guddi kale Magacaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here