Haweeney ka tirsan argagaxisada Daacish oo 8 sano xabsi ah lagu xukumay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun 8 sano ah ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ku eedeysan in ay katirsan tahay Daacish oo gacanta Ciidanka Amniga soo gashay 21-Maarso-2022.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo ku dhawaaqay xukunka Fartuun Cabdirashiid ayaa sheegay in ay madaxa Daacish oo sidoo kale u qaabilsaneed arrimaha lacagta.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Fartuun Cabdirashiid Xuseen ay tahay xaaska Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ahna aasaasaha Daacishta Soomaaliya.

DFS ayaa sheegtay in Haweeneydaan la xukumay ay shaqo wadaag la ahayd Bilaal Al-Suudaani oo 27kii Janaayo 2023 lagu dilay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo ka dhacay DG Puntland.

Maxkamadda CQS ayaa laga hor sheegay in Fartuun sanadkii 2021kii ay usoo guurtay Magaalada Muqdisho, sirdoonka Soomaaliya oo helay xogteeda ayaa degmada Hiliwaa gaar ahaan Xaafadda Suuqa Xoolaha kasoo qabteen.