Haweeney Ingiriis ah oo lagu xayiray garoonka Muqdisho iyo xiisada ka dhex dhalatay Fahad iyo Kheyre (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Ku simaha hay’adda sirdoonka ee JFS (NISA) Fahad Yasin aya waxa uu magaalada Muqdisho ku casuumay haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo magaceeda lagu sheegay Louise Cottar, taaso ka mid ah ajaaniibta deggan dalka Kenya ee ku shaqeysta magaca Soomaaliya.

Haweeneyda oo la shaqeysa hay’ado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Hay’adda cunaqabateynta Soomaaliya & Eriteriya SEMG iyo hay’adda DFID, aya waxaa magaalada Muqdisho ay u timid sida ugu fudud ee Fahad Yasin looga saari karo liiska shaqsiyaadka ay xanibeen wadamada reer galbeedka oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al Shabaab.

Fahad Yasin oo welwel badan ka qaba liiska lagu daray aya waxa uu siiyay haweeneydan lacag badan si ay uga caawiso sidii looga saari lahaa liiska.

Haddaba haweeneydan oo Muqdisho soo gaartay maalintii Arabacada ahayd uuna casuumay Fahad Yasin aya markii ay ku noqon lahayd magaalada Nairobi maalintii Jimcaha ahayd aya waxa ay caqabad kala kulantay hay’adda socdaalka ee garoonka Adan Cadde, kaddib markii laga qaaday baasaboorkeedii lagana joojiyay visaha dalka ku galka oo ay haysatay muddo 5 sano ah in ay dalka soo geli karto.

Arrintan aya dhalisay buuq iyo far isku taag, kaddib markii uu ka warhelay ku-simaha agaasimaha NISA Fahad Yasin. Shaqaalaha hay’adda socdaalka aya u sheegay haweeneyda in ay amar kore qabaan isla markaana aanay dalka dib ugu soo noqon karin lagana laabtay visaha dal ku galka ah.

Shaqaalaha aya sheegay in ay amar ka qabaan Villa Soomaaliya, balse markii arrinta ay isku cakirantay aya haweeneydii la saaray diyaarad u socotay Nairboi.

Haddaba yaa bixiyay amarka lagu xayiray haweeneyda Louis Cottar?

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in amarka uu bixiyay RW Kheyre oo la soo hadlay agaasimaha hay’adda Socdaalka G/Sare Koofi.

Waxaa halka ka dhashay xiisad u dhexeysa RW Kheyre iyo Fahad Yasin lamana oga halka ay ku danbeyn doonto. Fahad Yasin aya sheegay in RW Kheyre uu ka shaqeynayo sidii Fahad loo dhibaateyn lahaa, wuxuuna sheegay in uu isaga ka danbeeyay in la igeliyo liiska cunaqateynta ah.