Haweeneey u shaqeeyneeysa ICR oo Muqdisho Laga Afduubtay ayaa la Ogaaday Halka Lagu haayo!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in haweeneydii ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda ICR ee dhawaan laga afduubtay magaalada Muqdisho lagu hayo deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in haweeneydaasi loo gacan geliyay rag ka tirsan kooxaha Burcadbadeeda ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska ee gobolka Mudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa ka warbixiyay arrimahaasi.

Waxaana uu sheegay taliyuhu in suura gal ay tahay in haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Jarmalka lagu hayo gobollada Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha Burcadbadeeda

Sarakiisha aya sheegay in ay Helaan Xog Muhiim ah isla markana Lamaha amaanka ay la socdaan  Dhaq DHaqaaqyo ka socda Degano oo Hoos Taga Gobalka Mudug

Hadalkan ka soo baxay Laamaka Amaanka Galmudg aya ku soo beegmay Xili Dhawan ay soo Shaac Baxeen in  Degan u DHaw Mgaalada Hobyo la eenay Haweney Jermal ah oo laga soo afdubtay magaalada Muqdisho taa  oo ay afdubteen Kooxo burcad ah