Haween Soomaaliyeed oo si farsamaysan cabashadooda u soo gudbisaday

Reading Time: < 1 minute

Magalaada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa ah magaalooyinka ay dadka Soomaalida ku badan yihiin. Haween Soomaali ah oo deggan magaaladaas cabasho ka muujiyey waddo mugdi ah oo ay isticmaalaan xilliga tareenka ay ka soo degaan ama u socdaan.

Si ay u muujiyaan   dareenkooda ku aaddan mugdiga iyo dhibaatada ay ku qabaan ay u gudbiyaan maamulka magaaladda ayey faynuusyo waddooyinka u dhigeen. Ummad meel ku nool marka ay xaalad amni xumo la kulanto waxaa ugu horreyn ugu nuglaada haweenka iyo carruurta.

Haweenka oo ka dhiidhinaya dhibkaas ayaa iskood isu abaabulay waxay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo loogu geystay xaafaddi ay degganaayeen qaasatan goob gaadiidka ay ka soo raacaan ama ay ugu soo dagaan.

Haweenka ayaa sheegay iney la kulmaan tuuga dhacday teleefannada, boorsooyinkooda oo halis geliyey naftooda. Haweenka ayaa isugu soo baxay agagaarka waddada ay mugdigeeda ka cabanayaan si ay baaq u diraan madaxda magaalada si waddadan looga xiro.

Farsamadaan ay ku muujiyeen cabashadooda ayaa Haweenkan Feynuusyada wataa waxay ka rajeeynayaan maamulka magaalad iney waddadaasi nalal ugu xirto si ay uga badbaadaan tuugada mugdiga dhibaatada kala duwan ugu geystaan.