Haween Ka Tirsan Al Shabaab Oo Ku Dhuumaaleysanaya Gudaha Dalka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhallinyaro afar Haween ah oo ka baxay Al-shabaab ay isku qarinayaan deegaanka Malindi ee dalka Kenya.

Kenya waxa ay sheegtay in Haweenkaas sanad ka hor ay ka gudbeen Soohdinta Soomaaliya islamarkaana loo sheegay in dalalka Yemen iyo Sacuudiga loo sii gudbinaayo si ay uga shaqeystaan hayeeshee Al-shabaab loo gacan geliyay.

Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in Haweenka ay isqarinayaan iyaga oo ka baqaya Ciidamada la dagaallanka Argagixisada Kenya oo gabood fal u gaysta.

Isu duwaha amniga Gobolka Xeebta ah ee Dalka Kenya Bernard Leparmarai, ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in Haweenkaas aysan is qarin islamarkaana isu dhiibaan hay’ddaha ammaanka ee dalka Kenya.

Dadka ka laabta Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay qatar dhinaca amniga ah kala kulmaan Al-shabaab, waxaana Bishii May dhacday in labo qof oo ka baxay AL-shabaab la weeraray lana dilay.

Mid ka mid ah waxa uu ka baxay maxkamad kiiskiisa lagu dhageysanaayay markii ay sii socdeen ayaana jidka loo galay degaanka Kwale ee dalka Kenya sida uu sheegay Bernard Leparmarai.

Bernard Leparmarai, ayaa ku baaqay in dadka ka laabanaya Al-shabaab ay geesinimo muujiyaan iskuna dhiibaan hay’adaha ammaanka halkaas oo ay ka heli doonaan dhaqan celin iyo nolol ka wanaagsan midda ay ka baxsadeen sida uu hadalka u dhigay.