Haween caruurtooda lagu dilay Canada oo cadaalad ka dalbaday hay’adaha Amniga

Reading Time: 2 minutes

Waxaa sanadadii u danbeeyay Canada lagu dilay caruur Soomaaliyeed oo intooda badan da’doodu ka yareeyd 22 sano. Caruurtaas ayaa waxaa lagu dilay bistoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Haweenka caruurta laga dilay ayaa waxa ay sameeysteen kulwad ama urur ay ku midaysan yihiin oo ay uga hadlaan dhibaatada iyaga soo gaartay isla markaana ay wacyi galiyaan Soomaalida kale si ayan caruurtooda ugu dhicin shirqoolkii ah kuwii la dilay ku dhaceen.

Haweenkaan ayaa waxa ay kula kulmaan xarunta Booliiska ee magalaada Torornto hay’adaha Aminga iyo Cadaalada ayaga oo ka hadlay dhibaatada soo gaartay iyo cadaalad la’aanta la soo daristay.

Markii qof cadaano la dilo booliiska waxa uu sameeyaa baaritaan laakiin marka la dilo qof Soomaaliya cidi isma waydiiso. Haweenkii ka hadlay kulanaas waxaa ka mid ahaa Shamso Cilmi oo wiilkeeda lagu dilay magaalada Toronto. Waxa ayna uga sheekeeysay dadkii ka soo qayb galay kulankaas sida dilka wiilkeeda u saameeyay qoyskeeda.

Inkastoo haweenkaas dhibaato badan soo gaartay hadana waxaa ka muuqatay dhiiranaansho iyo adkaysi ay doonayaan in ay ku baajiyaan dhiig kale oo carur Soomaali ah uu daato.

Gabagabadii kulanka ayaa hay’adihii ka soo qaybgalay kulankaas waxa ay balan qaadeen in ay talaabo ka qaadi doonaan codsiyada ay haweenkaas soo gudbiyeen.