Hardan culus oo ka socda Magaalada Dhuusa-mareeb iyo Amaanka oo aad loo adkeeyay

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa uu ka socdo hardan culus oo u dhexeeya Musharixiin dhowr ah oo ku sugan Magaalada waxaana halka ka socda kala xodxodashada Xildhibaanda Cusub ee Maamulka Galmudug.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Musharixiin dhowr ah ku waa oo ku hardami doona sedaxda kursi ee ugu saraysa Maamulka Galmudug waxaana hardanka ugu weyn dhexmari doonaa musharixiinta ku loolamaya Xilka Madaxweynaha iyo kan Gudoonka Baarlamaanka.

Amaanka Magaalda ayaa waxa uu yahay mid aad loo adkeeyay waxaana halkaa gaaf wareegaya Ciidamo aad u farbadan kuwaa oo sugaya amaanka Magaalada Martigelinaysa Doorashada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!