Waxaa sanadii u danbeeyay da’daal xoogan loogu jiray sidii loo badbaadin lahaa dhul uu leeyahay nin Soomaali gaal ah oo lagu magacaabo Michael Mariano. Inkastaa oo uu ahaa nin gaal ah, hadana waxa kaalin mug leh ku lahaa helitaanka xuriyada dadka Soomaalida.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in hantiilayaal iyo ganacsato waaweyn ku dhacayaan gurigii Ilma Michael Mariano. Dhowr mar ayaa horay la isku dayay in la dhaco hantida Michael Mariano.
Xildhibaan Maareeye ayaa waxa uu sheegay in dhul boobka lagula kacay Ilma Michael Mariano uu soo billowday 3 bilood kahor, xilligaasi oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka war helay kana hor istaagay raggaasi, hase yeeshe ay dib u bilaabeen iyaga oo qorshe cusub la yimid, sida uu sheegay.
“3 bilood ka hor waxaa la ogaaday in niman hantiilayaal iyo Ganacsato waaweyn ahi dhacayaan Gurigii ilma Meykal Maryamo oo dadkii hayeyna ka eryeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh ayaa arintii la gaadhsiiyey waxaana lay sheegay in Madaxweynuhu la hadlay ragii dhulka boobayey oo ku yidhi anigoo jooga Guriga Ilma Meykal Maryamo dhicimaysaane faraha ka qaada,” ayuu Xildhibaan Maareeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook
Waxa uu sheegay in ragga hantiilayaasha iyo ganacsatada waaweyn ah ee uu Xasan Sheekh 3 bil kahor ka hor istaagay damacooda boobka hantida Ilma Michael Mariano, ay maanta bilaabeen inay kala googoyaan dhulkaasi oo baloodh baloodh uga iibinayaan dad ay ku heshiiyeen qorshahaan, si loogu wareero badbaadinta hantidaasi.
“Michael Mariano, inkasta oo aanu dhinaca diinta ku caaqiido ahayn shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa Muwaadin, halgamaa iyo hogaamiye baal dahab ah ka galay hormuudna u ahaa raadinta qadiyadii 5-ta Soomaaliya iyo sidii labada gobol ee xoroobey (Konfurta Soomaaliya iyo Somaliland) xornimada uga qaadan lahaayeen Talyaaniga iyo Ingiriiska,” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye