Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ka dalbaday xafiiska Ra’iisulwasaaraha joojinta Sharciga Maareynta Maaliyadda

Reading Time: < 1 minute

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha XFS joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii (11.05.2022)

Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jira khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Qoraal kasoo baxay Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa siddaan u qornaa: