Dad badań ayaa waxay ka doodaan marka ay dowladda hawlgeliso hantli ay dowladda lahayd si dhacbiga loogu adeego, sababtoo ah dadkeenna badankiis ayaa feker ka haysan hawlaha dowladahu qabtaan oo ah hortabinta Iyo kala hormarinta hawlaha la qabanayo.
Waxaa la hubaa markasta oo la damco in wax la saxo ama tallado la qaado dad ama koox ayey dhibeysaa, waana caadada bani’aadamka. MOL waxay horay uga digtay inaan maqli doono cabshooyin sharci loo ekeysiinayo oo la rabo in lagu xaalashado khaldaad jira oo ay khsab tahay in la saxo si dalka uu horay ugu socdo.
Hadda waxay ka bilaabatay degaannada doodaha iyo diidmada, waxaana ku xigi doona musuqmaasuqa. Haddii laba qof ay khalad ku jiraan oo mid la soo qabto qiil uma aha kan kale hebelka waa ku jiraa maxaa aniga la ii qabanayaa. Musuqmaasuq waa isku mid Meeshii la gaaro ayaana laga bilaabayaa haddii ay adiga usha hadda kugu dhacday kuwa kalana wey gaareysaa ee la soco.
Maantana waxaa baraha bulshada la wareejiyanaa muuqaal lagu coddeeyey been iyo falnaq ka dhasahy sharciga soo celinta hantida qaran, banneynta dhulalkii ay dowladda lahayd, kuwaas oo ay dad iska dageen si sharcidarro ah.
Hantida dowlaladda sida maguurto, mansab, magac iyo awoodba waxaa kaliya oo lagu haysan karaa waa sifo sharci ah ee laguma haysan karo in la qabsado.
Dowladda waa la noqon kartaa goobo mucayin ah oo ay iska lahayd oo aan danta guud u shaqeyneyn kadibna inay qof ah shacab ah ku wareejiso si loo hawlgeliyo waa awoodaheeda Distuuriga ah.
Somaliya waxay ku socotaa ganacsiga furfuran dowladduna waxyaabo badan oo ay lahayd ayey shacbiga ku wareejin doontaa si looga helo cashuuro iyo shaqooyin ama hanti lagu maalgeliyo adeegyadaga faraha badan ee ay bulshada baahida u qabto sida jidadka, bullaacadaha, biyaha, koronntada iyo caafimaadka iwm.
Ku wareejintaas shacbiga lagu wareejinaya waxaa ka dhalanaya:
- In goobtii dib loo halwgeliyo oo shacbiga loogu adeego.
- In la iibiyo oo dhaqaale laga soo saaro kaas oo khasanadda dowladda ku noqda laguna sameeyo adeegyo bulsho oo baahi weyn loo qabo.
- In la kireeyo oo lacag joogto ah laga qaado, canshuurna laga qaado.
- In qofka iibsaday lagula heshiiyo inuu ka dhiso goob ganacsi oo weyn oo ay dowladda ka hesho canshuur joogto ah, isla markaana ay dhallinyarada faraha badan ee shaqo doonka ay shaqo ka helaan.
Iyadoo dadaalka noocaas ay dowladda waddo ayaa waxaa jira dad leh dano shakhsiyadeed oo hantidaas haysta ama si dedban uga macaasha iyo siyaasiin ku nool aragatida dalka ka xoogeysatay ee ku qabso ku qadi meyside iyo ku jiqsii, taas oo aan dadweynaha Somaliyeed marna wax dan ah u hayn. Tusaale Shakhsiga diidan:
- in musuqmaasuqa lala dagaalo, amaanka iyo kala dambeynta la soo celiyo.
- In la koryeelo sarreynta sharciga, hantida dadweynaha la soo celiyo
- In hantida hawlgab ah la hawlgeliyo si loogu sameeyo shaqo abuur dhallinyarada wax baratay Maxaad ku tilmaami lahayd siyaasi, wadaad aa Warnale kuu doono ha noqdee.
Siyaasiga diidan intaan ee dayaacadda fidinaya miyaan lagu tilmaami Karin mid ka soo horjeeda in dalka uu ka xooroobo gacan hoorsiga, dhallinyaradu ay shaqo hesho si nolol iyo qoysas u sameystaan ama wax u bartaan, waalidkana uu awood u yeesho inuu caruurtiisa quudiyo.
Bal akhristow soo tiri inta goob ee dib loo hawlgeliyey ee shaqooyin badan ay soo baxeen kadib markii laga dhisay xaruumo ganacsiyeed oo waaweyn ama bulshada loogu adeego maanta, kadib markii dadkii sida sharcidarada ahaa ku haystay laga wareejiyey? Waxaan hubaa inaad qireysid haddii aad qalbi saafi ah leedahay, dalkana ay lexajeclo kaa hayso inay badan yihiin goobahaas.
Kuwa hadda qeylinaya waxay la mid yihiin kuwii shalay markii degaamadaas laga wareejinayey qeylinayey, waxaana laga yaabaa inay maanta qaarkood xaruumahaas ay shaqooyin dakhli ka soo gala ka heleen kuwaas shalay qeylinayey.
Isku soo duub , dowladda waxaa laga rabaa inaysan u joojin doodaha iyo kuwa diidan dib u soo celinta shuruucda dalka iyo horumarkiisa. Degaan kasta oo ay dowladda leedahay waa in la banneeyaa oo laga guuraa iyadoo wax dood ah laga keenin.