Hanti laga lunsaday Wasaarada Qorsheynta Puntland iyo khalalaase ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali. Shaqo ka joojintaan ayaa la sheegay inay la xiriirto musuq maaqsuq lagu sameeyay lacag ay lahayd Wasaarada Qorsheynta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda si baariraan loogu sameeyo. Wareegtada ayaa lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka.

Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta. Waxaa muuqata in Madaxweyne Saciid Deni uu iska bariyeelay lacagta la lunsaday iyo cida lunsatay.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ee bixisay deeqada ayaa iyadana dhankeeda ka bilaawday baaritaano la xiriira lacagaha la lunsaday.