Hanti Dhowrka Qaranka oo lagu qabtay been u ku sheegay qoraalkii uu u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka (Cadeyn)

Reading Time: < 1 minute

Labo maalin ka hor ayeey ahayd markii Hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah.

Hadaba waxa  jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka.  Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka  Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir.

Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday RW Kheyre qeybna ka ah musuqa lagu dhacayo hantida Qaranka. Sida MOL horay idinkuugu soo gudbisay qoraalkii uu shalay soo saaray Hanti Dhowrka Qaranka aya waxa lagu soo diyaariyay laguna soo  qoray Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo ay heshay MOL, xogaha aan  helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ay heshay MOL aya isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka.

Waxaan qoraalada danbe idiinkugu soo bandhigi doonaa caddeeymahaas oo buuxa.

Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:

[su_slider source=”media: 333864,333863,333862,333861,333860,333859,333858,333857,333856,333855″ target=”blank” width=”660″ height=”880″]
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!