Hanti dhowrka Qaranka oo ku soo eedeeyay musuqmasuq Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo K/Xigeenadiisa (Caddeyn + Video)

Reading Time: 2 minutes

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ka dhigay warqad Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho in ayan dalka ka bixi karin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusman Yariisow iyo labadiisa ku xigeen.

Baaris uu sameeyay Hanti Dhowrka aya waxaa lagu soo eedeeyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa falal musuq-maasuq ah  iyo in aay lunsadeen hanti qaran. Waxaa si isdaba joog ah ugu dhacay xafiiska Madaxweyne Farmaajo dacwado ka dhan ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa Xuseen Maxamed Nuur waxana tabashada inta badan ay ka imaaneysay shacab loo diiday in loo canshuuro guryahooda ama la siiyo ruqsad dhismo waxaana inta badan ay ka dacwoodeen G/Xigeenka Xuseen Nuur kaasoo si aan gabasho lahayn u weydiisanayay laaluush kor u dhaafay kumanaan kun oo doollar.

Madaxweyne Farmaajo aya markii ay dacwada ku badatay u yeeray Hanti Dhowrka kuna amray in uu baaritaan sameeyo, waxaana baaritaanka natiijadiisa ay noqotay in ay ku caddaatay dhowr kiis oo musuq-maasuq ah oo loo geystay dad shacab ah. Waxaa ka mid ah dadka lagula kacay falalka foosha xun Madaxweynaha Farmaajo eedadiis oo lagu magacaabo Shukri Adan Shire iyadoo loo diiday in aay dayac tirato gurigeeda oo ku yaal degmada Shangaani, waxaana loo sheegay in ay bixiso $50,000 kun oo doollar haddii ay rabto in la siiyo ruqsadda dhismaha.

Madaxweyne Farmaajo aya markuu fiirsaday videoga laga sameeya Shukri Adan ayaa amray in baaritaan lagu bilaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & ku xigeenadiisa.

Labadii maamul ee ugu danbeeyay ee Gobolka Banaadir ayaa noqday midka ugu musuqa badan oo soo mara taariikhda intii uu jiray maamulka Gobolka Banaadir. Dhowr bilood ka hor ayaa ay aheyd markii iyada oo aan gabasho lahayn uu Gudoomiye Yarisow ku iibsaday guri  lacag ka badan $400,000. Gurigaan ayuu ka iibsaday Gudoomiye ku xigeenka Bangig Dhexe Marwo Mayan macalin.

Ugaaska beesha Abgaal Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo qandaraasyo badan laga siiyay Gobolka Banadir qeybna ka ah Musuqa  baahsan ee ka socda Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Ra’iisal Wasaare Kheyre in uu  hor istaago go’aanka MW Farmaajo.  Gudoomiye  Yarisow-na laga cafiyo lunsiga hantida qaran.

Hadaba Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraal qiiq isku qaris ah kaas oo lagu magacaabay waxa uu ugu yeeray gudiga dib u eegista baaritaanka Hanti Dhowrka Qaranka. Waxa wax lala yaabo ah in qofkii dacwadada iyo baaritaanka ku socotay  uu mgacaabo gudi been abuur ah oo la doonayo in looga hortago warbixinta Hanti Dhowrka Qaranka.

Madaama Gud. Ku/Xig Xuseen Maxamed uu u shaqeeyo kana amar qaato RW Kheyre  ayaa waxa uu RW Kheyre ku mashquulsan yahay sidii uu u fashilin lahaa Warbixinta iyo amarka Hanti Dhowrka Qarankaa.