Hanti dhowrka Qaranka, Maxamed Afgooye oo muqus-maasuq lugaha kula jira iyo RW Kheyre oo difaacayo

Reading Time: 2 minutes

Maxamed Afgooye oo sanad ka hor loo magacaabay in uu noqdo Hanti Dhowrka qaranka ka dib markii lagu badalay nin ay isku beel yihiin oo horay u hayay jagadaas. Nuur Farah. Maxmed Afgooye ayaa noqday wiil uu ku adeegto RW Kheyre danahiisa u fuliyo, waxa aad adkayasaa isaga oo galaha wasiirada fadhiya, waxa uusan ka bixin guriga RW Kheyre. Waxaa uu ka dhigay hay’adii dabagal ku samayn kahayd xukuumdda mid u shaqeeysa Xukuumadda. Waligiis kama hadlin dhaco xatooyo ee dalka ka socda, laaluushka la siinayo xildhibaadan iyo beecinta hantida Qaranka.

Warar hoose o ay heshay MOL ayaa sheegayo in uu ka codsaday RW Kheyre in mushaar u kordhiyo madaama qoyskiisa ku nool yihiin Maraykanka gurigi dayn ku ahna uu ku leeyahay Maraykanka una baahan in bilkastaa lacag laga bixiyo. RW Kheyre ayaa u qoray mushaar dheeraad ah oo uu ka qaadanayo xafiiskiisa.

Talabadaan oo uu qaaday RW Kheyre ayaa ujeedadeedu ahayd in uu meel ku soo xirto Hantidhirka Qaranka. Dhanka kale Afgooye ayaa waxaa magaalada laga dajiyay labo guri oo ijaar ah laguna qalabeeyay lacag ka badan $35,000 oo dollars. Waxaa bishii Maajo ee sandakaan la siiyay Hotel Jazeera oo ay qoyskiisa daganaayeen in ka badan labo bilood $28,750 taas oo si toosa u bixyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada.

Hadaba su’aasha is waydiinta leh waxa ay tahay shaqsi sidaas loo iibsaday isla markaana laga masruufo xafiiska RW in uu yahay hanti dhowrka qaranka. Ma jiro baarlamaan soo magacaabay amaba ansaxiyay, waa wiil uu ku shaqeeysto RW Kheyre  isgana rumaysan in beeshiisa leedahay kuriga uu ku fadhiyo.

Nuur Farah Hanti dhorka hore