Kuxigeenka Guud 1aad Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar ayaa eedeyn u soo jeediyay Hanti Dhowrka Guud Maxamed Maxamed Afgooye, kaasoo ku saabsan inuu shaqaaleeyay dad aan waayo arag aheyn, isla markaana shaqaaleysiintooda u maray sifo aan sharci aheyn.
Mr Cali Abuukar oo wareysi siiyay Telefishinka Dalsan TV ayaa sheegay in shaqaalaha Xafiiska ay cabasho ka keeneen Hanti Dhowrka Guud, isla markaana ay warqad u qoreen Saddexda Hey’addood ee ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
“Hanti Dhowrka Guud wuxuu keensaday dad dhalinyaro ah oo meesha maamulo, waxaa baarista aado dad kooban, taasoo keentay in shaqaalihii Xafiiska inay cabasho keenaan, aniga iyo Hanti dhowrka waa ku kala qeybsanahay sida xafiiska u shaqeeyo iyo habka loo wado maamulka”ayuu yiri Cali Abuukar.
Waxaa uu sheegay in dadka uu keensaday Hanti Dhowrka Guud aysan soo marin xeerka shaqaaleysiinta dowladda sida Guddiga shaqaalaha rayidka.
Halkan hoose ka daawo wareysiga
[su_youtube url=”https://youtu.be/wLbouMRvE_U”]