Hanti-dhowrka Guud oo Dacwad ka Gudbiyey Madaxda ku lugta leh Heshiiska Shidaalka ee la saxiixay

Reading Time: < 1 minute

Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray heshiiska Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska, wuxuuna Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan isaga oo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Xafiiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qeybta ka ahaa saxiixa heshiiska.

RW Rooble ayaa ka dalbaday Hanti dhowrka guud in uu baaritaan ku sameeyo heshiiska uu sheegay Wasiirka Batroolka in DF ay la gashay shirkad Coastline Ltd.