Halkee Wax u marayaan Gudigga Farsamada Galmudug (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay  ka warbixiyeen  howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan hawlahooda.

Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in ay geli doonaan howsha qeybta labaad, oo ah xareynta Odayaasha,isaga oo u mahad celiyey, ciidamada sugaya ammniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan goobta ay ka dhaci doonto doorashada Galmudug.

Sidoo kale guddiga ayaa maanta waxa y kormeer ku tageen xarunta Shiirkole, halkaasi oo lagu wado in la dejiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka maamulka Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!