Halkee laga keenay lacagtii habeenkii Talaadada lagu wareejiyay MW Maxmed C. Waare iyo Cali Guudlaawe

Reading Time: < 1 minute

Habeenkii talaadada oo ay bisha Obtoobar ahayd 2da, waxaa kulan albaabada u xiran yihiin yeeshay sadaxda mas’uul ee u sareeya Dowlad Goboleedka Hirshabelle  iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo labo wasiir oo ka tirsan xukumadisa. Kulanka oo saacad iyo dhowr daqiiqo qaatay ayaa dhamaaday habeenkii taladii waqti danbe. Markii shirka lagu kala tagay ayaa waxaa dib u so noqday iyaga oo ka dhuumanaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshaabele Sheekh Cismaan Barre Maxamed labadda Mas’uul ee Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Guudlaawe. Wadahadal  yar ka dib labada mas’uul waxaa lagu wareejiyay lacag ku jirtay labo boorso oo yar yar  oo aanan wali la ogaanin cadadkeeda. Laakiin sarakiil xog’ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku  sheegay lacagtaas in ay ka badan tahay $1,000,000 (hal milyan).

Cali Guudlaawe ayaa balan qaaday in subaxda xigtay  uu u safrayo Magaaladda Jowhar halka Madaxadweyne Waare isna uu balan qaday in uu ka daba imaanayo marka uu ka soo noqdo safar horay loo qorsheeyay oo  uu dibadda ku aadayo. Laakiin sida aan horay idinkuugu soo gudbinay safarkii uu dibadda ku aadilahaa ayaa uu ka baaqday sababo aan la shaacin awgeed.