Reading Time: 3 minutes

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday  talaabooyin siyaasadeed kuwaas oo si foojigan looga  soo fakaray,  isla markaana keenay in ay  isbadal deg deg ah ku sameeyaan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Dad badan oo u guur-gala siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa isku qaban weyday, siyaasadda xirfadaysan ee uu MW Farmaajo iiticmaalayo yo garaadkiisa aqoonayd oo ah mid aan lagu ogaynin caqli badan. Siyaasiyiinta Soomaalida oo intooda badan aan lahayn mabaa’dii iyo garasho siyaasadeed oo aan aqoon ku qotamin ayaa ku guul-daraysaty in  ay la jaanqaadaan ama fahmaan siyaasaada xirfadeeysan uu ciyaarayo Farmaajo.

Sida aad ka dheehan kartid geedi socodka siyaasadda dalka, Farmaajo ayaa ku guulaystay in uu hawada ka saaro siyaasiyiintii mucaaradka kuwaas oo aragtidooda siysaasadeed ku soo dhamaatay cambaarayn in u  goodin  ay u goodiyaan Farmaajo iyo hogaankiisa.   Waxaana hada muuqata in Farmaajo yahay shaqsiga hogaanka u haya jaangooynta siyaasadda dalka, halka  mucraadka uu waqtigooda ku dhamaaday in ay ka falceliyaan talaabooyinka uu qaado Farmaajo.

“Siyaasada Soomaaliya waxa laga jaangooyaa magalaalooyinka Naiorbi  iyo Addis Ababa, halkaas oo ay ku sugan yihiin qubaro si toos ah u fariisiya siyaasada Farmaajo” , sidaas waxaa MOL u sheegay dublomaasi ajnabi ah  oo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno. Dublomaasigaan  ayaa  aad uga warhayo jaangoonta siyaasadad Farmaajo iyo xakamaynta mowjadaha siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxa uu dublomaasigu intaas ku daray “ Xasan Kheyre waa shaqaale u adeega Farmaajo, aragti siyaasadeed ma laha, mana laga wargaliyo howlaha siyaasadda. Nasiib xumo Soomaalida ayaa u aragta mas’uul ku fadhiya kusiga Ra’iisal Wasaaraha laakiin dadka haga siyaasadda Farmaajo uma arkaan shaqsi mas’uuliyid lagu aamini karo ama leh aragti fog”

Hadaba yaa haga siyaaadda Farmaajo?

Gudiga sida joogtada  ah u jaangooya siyaasadda Farmaajo ayaa ah xeeldheerayaal ku taqasusay arimaha sharciga, sirdoonka,  ciidanka iyo istcimaalka warbaahinta. Gudiga Farsamo ee gadaal ka taakuleeynaya Farmaajo ayaa waxa ay isugu jiraan, ganacsato, qareeno, siyaasiin ka soo kala jeeda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Qatar.

Tilaabo kastaa ee uu qaado Farmaajo ama uu mariyo Golaha Shacabka waa mid aad looga soo baaran degay, ha  noqoto, arimaha doorashada, celinta baasaboorkiisa, arimaha ciidanka, badda, dacwooyinka isaga laga gudbiyay, burburinta dastuurka dalka, kala ceyrinta dowlada goboleedyada  iyo qaabka ugu sahalan ee hawada looga soo saari mucaaradka doowladiisa.

Gudigaan farsamo oo bishiiba labo mar si fool-ka-fool ah isku arka, asbuuc kastaa qadka telefanka  lagu wadadlo iyada oo marmarka qaarna si toos ah qadka  loo soo galiyo Farmaajo.

Gudigaan farsamo ee jooga daaha gadaashiisa waxa ay ka kooban yihiin:

Axmadnasir Cabdullahi oo ah qareen Somali-Kenyan oo fadhigiisu yahay dalka Kenya

  1. Axmad Adan (Axmad Dhere) Qareen iyo ganacsade oo ay ehel yihiin Farmaajo.
  2. Adem Moxammed, oo ah madaxa Sirdoonka dalka Itoobiya.
  3. Meles Alem, oo ah safiirka dalka Itoobiya u  fadhiya dalka Kenya.
  4. Alex Rondos, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Africa.
  5. Farax Macalim, oo ah gudoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Kenya, hadana Farmaajo u ah Latilayaha Arimaha Geeska Africa

Hadaba kooxaha ku sugan magaalada Muqadisho ee moodo in Farmaajo yahay nin waalan oo aan caqli iyo aqoon toona lahaynin, waxaa lama huraan ah in ay ogaadaan in Farmaajo leeyahay gudi farsamo oo geed fadhi  u ah siyaasadiisa, kuwaas oo khibrad iyo aqoon u leh hagida siyaasadda iyo maaweelinta mucaaradka.

Sida laga dheehan karo dhamaan go’aanadii iyo talaabooyinkii uu qaatay  Farmaajo waxa ay noqdeen kuwa u meelmara ama kuwa uu waqti kuu iibsaday, iyada oo waliba beesha caalamka raali ka tahay? Soomaliyay maxaa idin talo ah.