Halkee ku dambeysaa dhismihii wadada Jeneraal Daa’uud, Gudoomiye Yariisow war maka haysaa?

Reading Time: < 1 minute

10-kii , September ,Sanadkii 2017-kii Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Banaadir ahaana duqii caasimadda Muqdisho Thabit Ab ayaa dhagax dhigay wadadda Jeneral Daa’uud ee kala qaybisa Degmooyinka Boondheere , Warta Nabadda iyo Yaaqshiid.

Wadada Jeneral Daa’uud maamulkii dhagax dhigay dib udhiskeeda ee uu hogaanka uhaayay Thabit waxa ay xilka ka dageen iyada oo wadada dhex mareyso dhismaheeda , lana soo dhisay laga bilaabo Taalada Daljirka Daahsoon ilaa iyo Isgoyska Boondheere walina meesheeda lama dhaafsiin halkii looga tagay ayay wali taagan tahay.

Maamulka Gobalka Banaadir ee xilka kala wareegay maamulkaasi ee hada ka arimiya caasimadda ee uu hogaanka uhaayo Abdirahman Omar Osman ayaa joogto u dhagax dhiga wadooyin hor leh iyada oo aysan meelna ka soo qaadin dhismaha wadadii uu dhexmarayay dhismaheeda markii xilka Gobalka Banaadir lagu wareejinaayay ee Jenaral Daa’uud.

Shaqada Qaranka waxaan ku ogeyn in ay tahay xarig isku dhiib qofkii yimaadana uu halkeeda ka siiwado wadada Jenaral Daa’uud dhismaheeda maxaa diiday in halkeeda laga siiwado?

Mawaxaa la diidayaa in hadii ladhamaystiro wadadaasi uu ammaanteeda qaato maamulkii hore?

Qarashka Ku baxaayo miyaana loo quurin wadadaasi maadaama ay u baahan tahay dhismo ka duwan kan wadooyinka ka kale?

Mamaamulka ayaanan ogayn miyaa in wadadaas dhismaheeda ay qayb ka tahay howlihii dhexmaraayay ee lagu wareejiyay ?

Waa Su’alo mug wayn oo ubaahnaa in wax badan layska waydiiyo balse laga gaabiyay .

Wadadaan ayaa loogu magac daray Jeneral Daauud Cabdulle Xirsi oo ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaana ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Hadaba Ma mudan tahay Wadada leh maamuuska nuucaas ah in la xaqiro oo ay bur bursanaato lana waayo cid uhadasha si loo dhiso maadaama loogu talo galay in umadda Soomaaliyeed ay ku soo xasuustaan Alle Ha unaxariistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi.